Ciidamada Asluubta ayaa lagu daray ciidamada sugaya amniga Muqdisho, iyadoo xaflad lagu mideynayo ciidamada xalay lagu qabtay Muqdisho.
Xafladan oo la sheegay inay tahay dhiirri gelinta shaqada Ciidamada Militeriga, Asluubta iyo Booliska ayaa ka dhacday xarunta Gaadiidka Ciidanka Booliska Ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay ku simaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay wehliyaan taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.
Taliyaha Ciidamada Asluubta soomaaliyeed Gen. Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in munaasabaddani lagu dhiirri gelinayo Dhallinyarada cusub ee ku soo biiray Ciidamada qalabka sida, kuwaas oo diyaar u ah inay Dalkooda Hooyo ka sifeeyaan kooxaha nabad diidka ah.
Waxaa xafladda Heeso Guubaabo iyo fantasyo ka dhigay Hoballada matala Ciidamada Dalka, waxayna xafladan ka mid ahayd munaasabadaha aan kala joogsiga lahayn ee hay’adaha dowladda ku mashquulsan yihiin.