Thursday, July 17, 2025

Xafladaha Soo dhoweynta Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir oo durba Muqdisho ka bilowday [Sawirro]

Saacado kadib markii saaka lagu dhawaaqay in guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir loo magacaabay wasiirkii hore ee Warfaafinta C/raxmaan Cuma Cusmaan (Yariisow) ayaa waxa galabta ka socda Muqdisho xaflado soo dhoweyn ah.

Xildhibaanno, Waxgarad, odayaal iyo siyaasiyiin kala duwan ayaa ka qeyb galaya soo dhoweynta guddoomiyaha cusub, iyadoo ay ka dhex muuqdaan odayaashii dhaqanka habeen ka hor sida weyn u difaacayey guddoomiyaha xilka lag qaaday ee Taabit Cabdi Maxamed.

Odayaasha dhaqanka Muqdisho sida imaamka, Ugaaska iyo isimada ayaa ku sugan hotel ku yaala xeebta Liido, halkaasoo uu isna ku sugan yahay guddoomiyaha la magacaabay ee C/raxmaan Yariisow.

Image may contain: 4 people, indoor

Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

Image may contain: 4 people, people sitting

Image may contain: 2 people, people sitting and hatImage may contain: 2 people

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON