Wednesday, June 25, 2025

Xafladaha Xil wareejinta iyo Caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo oo la kala bedelay

Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya  ayaa sheegaya in caleemo saarka madaxweynaha cusub iyo xil la wareegistiisa laga dhigay laba dhacdo oo la kala qaaday.

Madaxweynaha cusub Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xilka la wareegi doona maalinta Khamiista ee 16-ka Bishan Febraay 8 maalmood kadib markii la dooray ee loo dhaariyay xilka.

Xil la wareegista ayaa dib loo dhigay maalin iyadoo markii hore loo qorsheeyay Arbacadda arrimo farsamo dartood, waxaana xilligan madaxweynuhu ku shaqeeya Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Guddi ka kooban 6 wasiir oo mid waliba guddiyo kale hoos tagayaan ayaa loo magacaabay caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya oo la xaqiijiyay inuu dhici doono 22-ka Febraayo.

Xafladda caleemosaarka ayaa lagu casuumayaa madax badan oo gobolka ah iyo marti sharaf fara badan, waxaana la filayaa in magaalada la xiro maalintaasi si ammaanka loo sugo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON