Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay Kalfadhiga 5aad kulankiisa 5aad ayadoo Ajandaha kulanku ahaa dhageysiga Warbixinta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Waxaa kulanka shir Guddoomiyey Gudoomiyaha Aqalka Sare Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana warbixin looga dhageystay Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ay hogaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Xaliimo Ismaciil Ibraahim.
Guddiga ayaa Golaha Aqalka Sare ee BFS uga warbixiyay heerka ay marayaan hawlaha Guddiga ee u diyaar-garoowga doorashooyinka 2020 ka iyo waxyaabaha u bahaan in madaxda qaranka ee heer Federal, Xildhibaanaada si dalka ugu dhacdo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020.
Senatoorada Aqalka Sare ayaa su’aalo ka weydiiyey Guddigan warbixinta ay jeediyeen, waxaana Xaliimo yarey ay beenisay inay Sharciga Doorashooyinka ee hor yaalla Baarlamaanka ay soo diyaariyeen Guddigooda, waxayna ku adkeysatay inaysan awood u laheyn diyaarin sharci cusub.
Waxay sheegtay in Sharciga doorashooyinka ay dhowaan la meel mariyeen Golaha Wasiirada ay soo diyaarisay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, balse iyaga sharcigaas la-tashi oo kaliya lagala sameeyay.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xaliimo yarey ayaa sheegtay inuusan jiri doonin Doorashada soo socota Xildhibaan ay beeshiisa soo dooran doonto, laakiin Xildhibaan waliba ay soo dooranayaan dadka Soomaliyeed oo dhan, waana inuu ka diiwaan gashan yahay Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira, haddii uusan ku jirin Xisbina ay dhici doonto inuusan u tartami karin Xildhibaannimo.