Maamulka Galmudug ayaa beenisay warar lagu faafiyey baraha bulshada oo ku saabsan in ciidamada Haramcad ee Booliska gaarka u tababarran laga saarayo magaalada Dhuusamareeb, markii ay dalbadeen qaar ka mida madaxda maamul Goboleedyada.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Falagle Ahmed shire Falagle ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin ciidamo laga saaray magaalada, isla markaana aysan jirin sabab loo saaro, wax isbedel ahna aysan jirin iyo ciidamo laga saaray ama laga saarayo magaalada Dhuusamareeb.
Wasiirka oo ka hadlay wararka sheegaya in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay dalbadeen in magaalada Dhuusamareeb laga saaro ciidamada Haramcad ee dowladda Federaalka ayuu sheegay in arrintaasi ay tahay dacaayad qaawan oo la rabo in lagu khalkhal geliyo shirka madaxda Dowlad Goboleedyada.

Wararka ku saabsan in ciidamada Haramcad laga saarayo magaalada Dhuusamareeb ayaa hareeyay baraha bulshada, iyadoo aanay jirin il rasmi ah oo laga soo xigtay.