Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Madaxtooyada Galmudug.
Xaruntan ayaa dhismaheeda socday in muddo ah, waxaana Galmudug ay yeelatay xarun casri ah oo ay ku shaqeeyaan Madaxda maamulka Puntaland, waxaana mashruuca lagu dhisay bogaadiyey Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Tallaabadan dhaxal reebka ahi waxa ay astaan u tahay halganka dhabta ah ee dadka reer Galmudug ugu jiraan hagaajinta mustaqbalkooda. Astaan dowladnimo iyo dad qaatay go’aan dhaxalgal ah ayaa iiga muuqata Galmudug waana halka aan dooneyno in aan u jiheyno guud ahaan dadkeenna.” ayuu xafladii furitanka ka yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Munaasabadda xarig jarka xarunta Madaxtooyada cusub ee Galmudug waxaa ka qayb galay Wasiirro iyo Xildhibaano heer federaal ah, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Galguduud iyo kan caasimadda Galmudug.
