Wednesday, June 25, 2025

Xarunta Doorashada Madaxweynaha oo loo bedelay Afisyoone [Wararkii ugu danbeeyay]

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa isbedel lagu sameeyay xarunta ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Soomaalida oo balansan 8-da bishan Febraay 2017.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in la bedelay xarrunta lagu qabanayo doorashada madaxtinnimada Soomaaliya oo markii hore la qorsheeyay in ay ka dhacdo Akadamiyada Booliiska Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Beyle Ducaale, ayaa Warbaahinta u sheegey in doorashada ay ka dhici doonto xarrunta Afisyooni ee Muqdisho. Wuxuuna intaas raaciyay in 18 ka mid ah musharrixiinta madaxtinnimada aya dalbadeen in goobta laga baddalo doorashada halka lagu qabanaayo.

Musharrixiinta ay jeediyeen walaac ku aaddan in doorashada lagu qabto Akadeemiyada Booliiska Jen Kaahiye. Walaaca ayaa la sheegay inuu la xiriiray dhinaca amniga iyo musuqmaasuq lagu sameeyo Doorashada.

Saraakiil ka agdhow guddoonka baarlamaanka iyo guddiga doorashada ayaa sheegay in fikradaha lasoo jeediyey ay u badan tahay in lagu qaban doono xerada ciidamada cirka Afisyoone ee garoonka diyaaradaha oo dhowaan la dayac tiray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON