Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa saaka shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho isagoo faahfaahin ka bixiyey qaabkii loo hakiyey shirkii Baarlamaanka ee maanta iyo wadahadal dhex maray Madaxweyne Farmaajo.
Guddoomiye Jawaari ayaa u muuqday nabadoonnimo iyo inuu door biday in xaaladii cakirneyd ee mooshinkiisa ka dhalatay lagu dhammeeyo xal, iyadoo qaab degan loo marayo, wuxuuna sheegay in isaga iyo ku xigeenadiisa u yeeray Madaxweyne Farmaajo.
Wuxuu intaasi ku daray in Madaxweyne Farmaajo soo jeediyay in la hakiyo shirkii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa, ayna ka wada aqbaleen, isagoo soo jeedinta madaxweynaha ay aqbaleen, loona baahan yahay xasilooni siyaasadeed.
“Wixii danbe iyo sida hore loogu soconayo dib ayaa laga soo sheegi doonaa, hadba wixii suuragal ah oo danta dalka ku jirto la isku raaco, tanaasulna la isku sameeyo..” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari oo intaas ku daray: “Alle ayaa dagaal naga kaafiyey..”.
Labada Qodob ee muhiimka ah oo ku jirtay shirkii jaraa’id waxay ahaayeen arrimaha soo socda:
1- WAANWAAN IYO XAL MASTUUR AAN LA SHAACIN
Waxaa hadalka guddoomiye Jawaari ka cad in xal dhexe la wada qaatay, kaasoo aan la shaacin, iyadoo marna uu sheegay in dib laga soo sheegi doono, markii u danbeysayna uu shaaciyey in madaxweynaha laga sugayo. Marka xaaladu halkaas mareyso xalka ugu dhow waa inuu Jawaari tanaasulay.
2- GO’AAN LAGU WADA BADBAADO
In arrinta lagu dhammeeyo iyadoo aan dagaal iyo gacan dhicin, xil ka qaadis loo adeegsaday ciidamadii dowladdana la isku maquunin, waa xalka ugu wanaagsan ee xasarada la abuurtay lagu soo afjari lahaa, waana sida hadda xaajadu u muuqato in lagu mashquuli doono doorashada guddoon cusub oo aan weli la isku raacin qofka uu noqon doono iyo waxa ka dhalan doona midna.
MAXAA XIGA..?
Sanadkii ay xukuumaddu jirtay iyo 14 bilood ee ka danbeysay doorashadii Farmaajo waxaa lagu dhex jiray xil qaadis, magacaabid iyo ridis, waxaana sidaasi ku baxay madax badan iyo shaqsiyaad nooc kasta lahaa, waxayna dad badan saadaalinayaan inuusan musalsalkaasi u dhow mid dhammaan doona kadib Jawaari.