Wednesday, June 25, 2025

XASAASI: Maxaa kasoo baxay kulankii dhexe maray Madaxweyne farmaajo & Xildhibaannada wada Mooshinka Jawaari..?

In ku dhow 70 xildhibaan oo ka mida Garabka Baarlamaanka ee wada Mooshinka xil ka qaadista guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa xalay kulan la yeeshay madaxweynaha.

Kulanka oo markii hore loo qoondeeyay inay 50 xildhibaan oo shanta beelood la kulmaan ayaa dib u dhac ku yimid, markii habeen hore uu madaxweynaha joojiyay, waxaana xalay ay ku soo kordhay xildhibaanno kale oo doonayay inay madaxweynaha kala hadlaan natiijada waanwaantii uu kula jiray Guddoomiye Jawaari.

Warbixin dheer oo madaxweyne Farmaajo uu siiyey xildhibaannada ayuu uga xog warramay wixii dhex maray isaga iyo guddoomiye Jawaari iyo dadaal la doonayay in lagu xaliyo arrinta khilaafka Baarlamaanka, balse is-afgarad iyo balan ay wada galeen uu ka baxay guddoomye Jawaari, isagoo shalay soo gaarsiiyey inuusan diyaar u ahayn tanaasul.

Gabagabadii kulanka madaxweynaha iyo xildhibaannada Baarlamaanka ayaa la isku afgartay in kulankii Baarlamaanka ee kalsooni kala noqoshada Guddoomiye Jawaari la guda galo, iyadoo la xaqiijiyey inuu madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo soo gabagabeeyay waanwaantii uu waday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON