Sunday, June 22, 2025

Xasan Kheyre: “Ciidamada Amniga sax ma aha inay ka mid noqdaan Guddiyada Doorashooyinka…”

Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumadda Federaalka Xasan Cali Kheyre ayaa xaqiijiyey inuu qeyb ka yahay musharixiinta Madaxweynaha ee soo saaray Go’aanka ay uga digeen doorasho la boobayo iyo Guddiyadii oo laga buuxiyey askar iyo shaqaalaha dowladda (Akhriso)

“Haddaba, waxa aan maanta oo taariikhdu tahay 10ka November 2020 caddaynayaa inaan ka mid ahay musharrixiintii saxiixday war-murtiyeedka ku taariikhaysan 10/11/2020 ee cinwaankiisu yahay ‘Mawqifka iyo Go’aanka Musharrixiinta Madaxweynenimada Soomaaliya ee ka qaybgalka doorashada 2020/21’ taas oo aan walaac uga muujinnay qaabka Dowladda Federaalku u maamulayso doorashada iyo guddiyada loo qorsheeyey in ay doorashada maamulaan..” ayuu yiri Xasan Kheyre oo farriin so diray.

Wuxuu si gaara uga hadlay ciidamada lagu daray Guddiga Doorashada, wuxuuna yiri: “Aniga oo aaminsan in ciidamada amnigu ay hayaan shaqo qaran oo aad muhiim u ah ayna naga mudan yihiin sharaf iyo karaamo, hadana sax ma aha inay ka mid noqdaan guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka”.

Ad

12 Musharax Madaxweyne oo Go’aan Culus kasoo saaray ka qeybgalka Doorashada 2020/2021 (Akhriso)

Wuxuu kaloo sheegay in guddiga maamulaya kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland ay tahay in loo maareeyo qaab wadar-oggol ah, qaddarin leh, waafaqsanna heshiiskii DFS iyo Maamul Goboleedyadu ku gaareen Muqdisho 26kii September 2020.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON