Ra’iisal wasaarihii hore, ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa ka digay inuu madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu dalka u horseedo dagaal.
“Ciidamada amaanka iyo kuwa qalabka sida, waxaan uga digayaa in aanay dhiig faraha la gelin, in aanay dumin ilayska yar ee dalkan usoo baxay, inaanay goyn gacmaha shacabka cashuurta laga qaado oo iyaga mushaarkooda lagu bixiyo, in aanay barakicin hooyooyinkooda, ubadkooda iyo maatada aan waxba galabsan, in aanay mar kale niyad jebin shacabka Soomaaliyeed iyo in aanay kala eryin dunida inoo so gurmatay” ayuu yiri Xasan Kheyre oo ka hadlay xaaladda dalku galay.
Wuxuu ugu baaqay madaxda Maamul Goboleedyada inay shir degdeg isugu yimaadaan oo ay badbaadiyaan dalka, la iskana qabto dadka qaska wada ee dariiqa la leexinaya Soomaalida.
HOOS KA DAAWO.
