Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu maalina Jimcaha ee soo socota hoggaamin doona bannaanbax nabadeed oo lagui dalbanayo in la qabto doorasho la isla ogol yahay.
Wuxuu sheegay in Qodobka 20-aad ee Dastuurka KMG, uu xaq aasaasi ah u siinayo muwaadin kasta inuu abaabuli karo, kana qeyb gali karo kulan ama bannaanbax nabadeed oo cabasho lagu muujinayo, iyada oo aan loo baahneyn wax ogolaansho ah.
“Sida ay Midowga Musharraxiinta horey u iclaamiyeen, waxaan maalinta Jimcaha ah ee soo socota Taariikhduna ku beegan tahay 19-ka Febraayo hoggaamin doonaa bannaan bax nabadeed oo lagu dalbanayo inay dalka ka dhacdo doorasho la isla oggolahay. Waxaan Shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool iyo taageerayaasheyda ugu baaqayaa in ay ka soo qeyb galaan bannaan baxa nabadeed, soona qaataan facemask si looga hortago cudurka COVID19..” ayuu yiri Xasan Kheyre oo farriin baaq ah u diray taageerayaashiisa.
Wuxuu ugu baaqay Ciidamada Amniga qaranka ugu baaqayaa inay waajibkooda sugidda amniga ay u gutaan si waafaqsan dastuurka, ayna ilaaliyaan amniga bannaanbaxayaasha.
Xukuumadda Xilka sii heysa ayaa amanta soo saartay amarro ku saabsan inaan kulamo dadweyne la isugu imaan karin, laakiin waxaa ku gacan deyray Mushariixinta Mucaaradka.