Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo socdal aan hore loo sii sheegin ku jooga dalka Ruushka ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov.
Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Xasan Kheyre ayuu ku yiri: “Waxaan maanta kulan qado Sharaf ah la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dalka Ruushka, Sergey Lavrov, oo aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Ruushka, iyo sidoo kale xaaladda guud ee gobalka Geeska Afrika. Waxaan si qoto dheer isaga wareysannay isbaddallada Dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka ka socdo.”
Socdaalkan oo aan hore loo shaacin ayaa sidoo kale lagu shaaciyey baraha bulshada ee ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka, iyadoo safarka Kheyre ku tegay Ruushka uu ka danbeeyay markii uu dhowaan tegay dalka Turkiga.

