Qaar ka mida siyaasiyiintii xilalka kasoo qabtay dowladihii hore ee dalka soo maray ayaa ka wadahadlay xaaladda dalka iyo xiisadda ka dhalatay mooshinka laga keenay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xubnahan oo ku kulmay guriga Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed, Ra’iisal wasaarihii hore Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), Muuse Suudi Yalaxow, Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta Ismaaciil Macalin Muuse Mahdi Maxamed iyo xubno kale.
“Waxaa maanta igu soo booqday gurigeyga siyaasiyiin waaweyn oo reer Muqdisho ah Waxaana ka wada sheegakeysannay danta guud ee dalka iyo dadka. Waan uga mahadcelinayaa dadaallada ay ugu jiraan xal u helidda mashaakilaadka maanta taagan qaarkood…” ayuu yiri Xasan Sheekh oo farriin soo dhigay baraha bulshada.
