Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farrii hambalyo ah u diray guddoonka cusub ee Aqalka sare ee Baarlamaanka.
“Doorashooyinkii Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ee qabsoomay, waxay muujinayaan sida dadka Soomaaliyeed ay ugu bislaadeen siyaasadda leh hufnaanta iyo degenaanshiyaha” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas raaciyay inay tahay tallaabo muhiim ah oo sahleysa horumar iyo horusocod.
Wuxuu ku tilmaamay xubnaha loo doortay guddoonka Aqalka sare masuuliyiin khibrad u leh xaaladda Soomaaliya, kartina u leh hoggaaminta, wuxuuna Allah uga baryayaa inuu masuuliydaas cusub la garab galo.
Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay musharaxiintii kale ee tartaranka ka qeyb gashay sida kartida dheeraadka ah ee ay u aqbaleen natiijada doorashadii guddoonka Aqalka Sare ee maanta dhacday.
Goobjooge.com