Saturday, June 28, 2025

Xasan Sheekh oo dalbaday in Sharciga la horkeeno Gacan-ku-dhiiglayaasha dadka ku laayey Gaalkacyo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid noqotay siyaasiyiinta ka hadashay falkii naxdinta lahaa ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasoo lagu laayey dad shacab ah.

Qoraal uu soo saaray ayuu Xasan Sheekh ku yiri: “Waa wax laga naxo in dad gaarayo 10 qofood lagu dilay magaalada Gaalkacyo hal habeen sabab kasta oo loo tiiriyo e, waana cambaareynayaa falkaas foosha xun iyo dadkii ka dambeeyayba..”, wuxuuna tacsi u diray eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaas.

“Waxaan ku adkeynayaa maamulka Galmudug iyo waxgaradka reer Galmudug guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa reer Galkacyo iney ka wada shaqeeyaan sidii gacan ku dhiiglayaaaha loo hor keeni lahaa sharciga si cadaaladu u shaqeyso” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON