Dowladda Federaalak Soomaaliya ayaa go’aansaday in la dhiso maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo dib loo bilaabayo shirkii magaalada Jowhar.
Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee shirka uga socdo magaalada Muqdisho ayaa ka dooday arrinta maamul sameynta labada gobol, waxaana shirkaasi uu madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay inay ka go’an tahay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe inta amnu xiligiisa dhammaan.
Arrintan oo in badan dib u dhac ku yimid ayaa sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Odowaa uu sheegay in dib loo bilaabayo shirkii magaalada Jowhar, isla markaana la dhisi doono maamulka labada gobol oo ah kan ug danbeeya ee ka harsan maamulada dalka ee federaaleynta ah.
Lama oga sida maamulkaasi u dhismi doono iyadoo ay ka horjeedaan xubno uu hormuud u yahay Ugaas Xasan Ugaas Khaliiif, laakiin wararka ayaa sheegaya inuu jiro qorshe lagu dedejinayo shirka Jowhar oo looga maarmay odayaasha diidan dhismaha maamulkaasi.
Goobjooge.com