Sunday, June 22, 2025

Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay inay si isku mida ula dagaalamaayan Itoobiya iyo Alshabab

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay inay Itoobiya tahay cadowga koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay in loo diyaar garoobo dagaal.

Khudbad uu maanta Salaadii Jimcaha kadib ka deejiyay Masjidka Madaxtooyada ayuu si cad ugu sheegay in loo diyaar garoobo dagaal ka dhan ah Itoobiya oo lagu difaacayo Dhulka iyo qaranimda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri ”Caddow waa labo,waana Shabaab iyo Itoobiya, waan awoodnaa dowladd iyo shacab. Shabaabkana waan iska celinaynaa, duulaanka dibaddana waan iska celinayna intaba waan isaga filanahay”.

Ad

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowlad iyo shacaba diyaar loo yahay difaaca sharafka iyo dhowrista qaranimada Soomaaliya. “Dadka Soomaaliyeed ha u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda iyo bad-dooda, Itoobiya haddii ay tallaabo soo qaaddo afar tallaabo ayaan qaadi doonaa, waana isku filanahay”.

Wuxuu ugu baaqay dhamaan qurbajoogta Soomaaliyeed inay dowladooda ay ka taageeraan Caddowga oo ay ka mid tahay Itoobiya “ Markey Soomaaliya Qatar gasho adinkaa badbaadin jiray, Maanta waa maalintiiini waa maalintii la’idin baxsan jiray”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON