Friday, June 27, 2025

Xasan Sheekh oo loo doortay Guddoomiyaha KMG ah ee Xisbiga cusub ee UPD (Yaa ku midoobay..?)

Xisbiga cusub ee Midowga Nabadda & Dimoqraadiyadda UPD ayaa kulankiisii ugu horeeyay isugu yimid magaalada Muqdisho, iyadoo dastuurkiisa lagu ansixiyay, laguna doortay Guddoomiye  KMg ah.

Xisbiga cusub ee siyaasadeed waxaa guddoomiye KMG ah loogu doortay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo kulanka ay ka dhex muuqdeen xildhibaanadii Qabyo iyo xubnaha xisbigi Daljir ee  shalay la kala diray.

Xisbiga cusub ayaa sheegay inuu xafiisyo ka furan doono gobollada dalka, iyadoo kulan weyn uu yeelan doono bilaha soo socda.

Ku dhawaaqidda xisbiga idowga Nabadda & Dimoqraadiyadda UPD ayaa loo soo hormariyey, iyadoo la filayo inuu ka dhoofo dalka, isagoo ku sii jeeda qaaradda Yurub oo olole siyaasadeed uu ka bilaabi doono.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON