Monday, July 14, 2025

Xasan Sheekh oo Mareykanka uga digay Weerarro waxyeello kasoo gaarto shacabka Soomaalida

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Maamulka ayaa farriin u diray Mareykanka, isagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan waxyeelo ay gaarsiiyeen dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh oo wareysi siiyay Majaladda Newsweek ayaa maamulka Mareykanka ee Donald Trump ugu baaqay inay iska ilaaliyaan qasaare soo gaaray shacabka, kadib markii ay ansixiyeen in la kordhiyo howlgalka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, iyadoo meesha laga saaray xeerarkii xadidi lahaa ciidamada.

Wuxuu ka digay Xasan Sheekh in qasaare soo gaara ciidamada Mareykanka ay dhalin karto taageero ay helaan kooxda Alshabaab oo uga faa’iideysan doonta inay hesho ciidamo cuusb oo ku biira.

“Waa in laga digtoonaadaa waxyeellada  dadka rayidka, haddii ay dad rayid ah ay ku waxyeeloobaan weerarada uu amray Trump waxa ay horseedi kartaa in ay ka faa’ideystaan Al-Shabaab oo ay dhalinyaro hor leh ku biiraan.” ayuu wareysiga ku yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo ku hanjabay inuu kala dirayo Baarlamaanka Federaalka

Wuxuu sheegay in  xilligii uu madaxweyne ka ahaa Soomaaliya ay aad isaga ilaaliyeen in waxyeelo soo gaarto dadka rayidka , iyadoo ay aad u yareyd qasaaraha shacaba kasoo gaara weerarrada ciidamada Maraykanka ayna qeyb ka ahayeen ciidamada dowlada Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa soo u jeediyay dowladda Mareykanka inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya, taasoo keeni karta inay yaraadaan qasaaraha shacabka.

SourceNewsweek

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON