Thursday, June 17, 2021

Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay Askarta ku maqan Dalka Eritrea. “Daawo Baaq ku socda Farmajo iyo..”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay askarta dowladda Soomaaliye ee ku maqan dalka Eritrea, isagoo dalab u diray madaxweynihii hore ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxdii mas’uulka ka ahayd arrintooda.

“Lama aqbali karo in dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay dowladdu dirtay aan warkooaa la heynin. Mas’uuliyiintii howshaas ka dambeeyay waa in ay waalidiinta iyo ummadda Soomaaliyeed u caddeeyaan masiirka carruurta Soomaaliyeed..” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud sheekh oo ka hadlayay munaasabad maamuus ah oo Muqdisho loogu sameeyay maanta.

Wuxuu ugu baaqay Madaxweynha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxda kale ee askarta maqan ku lugta leh inay dadka hor yimaadaan oo la wadaagaan halka ay ku danbeeyeen wiilayaashaasi Soomaaliyeed.

Ad

“Waxaan leenahay madaxweynihii hore, kooxdiisa iyo Xukuumadda, haka hadlaan, ha hor yimaadeen shacabka Soomaaliyeed, ma qarsoomi karto arrinta Dhalinyarrada Eritrea.., waa inay runta ka sheegaan haddii ay qaraar tahay, wax dhacay waaye haddii ay dhinteen, haddii ay nool yihiin inay keenaan ayaa laga rabaa oo dalka kusoo celiyaan..” ayuu yiri Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisement -
- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

158,735FansLike
2,430FollowersFollow
5,851FollowersFollow
158,735FansLike
2,430FollowersFollow
5,851FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!