Saturday, June 28, 2025

Xasan Sheekh oo soo saaray go’aan la wada sugayay [Baarlamaanka cusub oo la waregeay awoodda dalka]

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war ka soo saaray dhaarinta Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka baxday marxaladii kala guurka aheyd, ayna yeelatay Baarlamaan rasmi, wuxuuna hambalyo u diray Xildhibaanada labada Aqal ee shalay lagu dhaariyay Muqdisho.

“Soomaaliya waY ka gudubtay marxaladii kala guurka, waa’ cusub ayaa u bilowday, waxaa hambalyo leeyahay Baarlamaanka cusub ee la dhaariyay…” Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa ku dooday in Doorashada 2916 ay ka wanaagsaneyd Doorashooyinka ka dhacday Dalalka qaar ee caalamka, sida uu yiri wuxuuse qiray inay jireen cilado iyo gaabis meelaha qaar ka dhacay.

Baarlamaanka cusub ee intiisa badan la dhaariyay shalay ayaa looga fadhiyaa inuu dhameystiro howlaha doorashada oo weli qabyo ah.

Warka ka soo yeeray ayaa micnihiisu yahay in awoodda dalka ay ku wareegtay Baarlamaanka la caleemo saaray shalay oo aanay jiri doonin awoodo kale iyo madax go’aano soo saari karta.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON