Xeer ilaalinta Guud ee dalka ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegtay inay baaris ku bilowday qaar ka mida shirkadihii ku guuleystay adeegga xajka ee sanadkan.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in la baarayo shirkado ka mida kuwii sanadkan ay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta siisay Adeegga Xajka oo xujeyda Soomaalida ka qaaday Lacago ka badan tii ay u jaan goysay Wasaaradda.
Xeer ilaalinta ma sheegin shirkadaha la baarayo iyo lacagaha ay ka qaadeen Xujeyda sanadkan, balse waxay arrintan qeyb ka tahay baarisyo badan oo Xafiiska Xeer ilaalinta guud xilligan dhaqaajiyay, iyadoo weli aan Maxkamad la geyn kiisasaka Musuqa ee baaritaanka lagu wado ama mas’uuliyiinta loo xiray.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa 75 shirkadood oo adeeg bixiyeyaal ah siisay Xajka sanadkan, halka shirkadda Daallo Airlines oo kaliya ay ku guuleystay Daabulka Xujeyda.