Sunday, July 13, 2025

Xidhibaan Jeesow: “Wallaahi anigaa hoggaminaya Mooshinka lagu ridayo xukuumada, haddii..”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku dhaartay inuu hoggaamin doono mooshinka lagu ridayo xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaanka aya sheegay inaan la aqbali doonina Wasiirada ah xildhibaanada inay ka baaqdaan fadhiga Baarlamaanka, si ay u curyaamiyaan howlaha Baarlamaanka, wuxuuna caddeeyay inuu isagu hormuud u noqon doono ridista xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

“Waxaa balan ku qaadeynaa haddii fadhigan kan ku xiga ay imaan waayaan xildhibannada Golaha Wasiirada… Wallaahi baan ku dhaartay anaa horkacaya Mooshinka laga keenayo, kuligoodna waa rideynaa, Ra’iisul wasaaraha ha ogaado…” ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ahaa taageerayaasha Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xilligii ugu danbeeyay ku biiray mucaaradka, iyadoo wararku sheegayaan inuu ka carooday arrimo uga xirnaa xafiisyada madaxda sare.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON