Sunday, August 3, 2025

Xiisad ka dhalatay Musuqmaasuq Canshuur oo ka taagan Dekadda Muqdisho [Kheyre oo farageliyay]

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa degdeg u farageliyey xaalad kacsan oo ka jirta Dekadda magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa ka dhalatay Konteenar si musuqmaasuq ah loo canshuuray oo ciidamada Booliska ee ilaalinta canshuurta ay kashifeen dibna u celiyeen iyadoo diiday in la fasaxo gaarigii lagu waday.

Dhacdadan ayaa khilaaf weyn ka dhex abuurtay qeybta Canshuuraha Dekedda Muqdisho iyo Maamulka Guud ee Dekedda, waxayna xaaladu noqotay is mari waa’ loo baahday inuu farageliyo Ra’iisal wasaare Kheyre.

Konteenarka ay dib u celiyeen Ciidamada Booliska ee Ilaalinta Canshuuraha shalay ayaa la sheegay inuu siday Qalab Electronic ah,  isla markaana lagu canshuuray lacag aad u yar oo dhan 2000 doolar, iyadoo caadiyaan laga qaado lacag shan laab ka badan.

Ra’iisal Wasaaraha oo uu wehliyo Siihaya  Hanti dhowrka Guud ayaa tegay Dekeda Muqdisho, waxaana ay la kulmeen dhinacyada kala duwan ee kiiskan ku lugta leh.

Kiiskan ayaa laga yaabaa inuu keeno fashil ku yimaada qaabka dekadad Muqdisho wax uga socdaan oo la sheegay inuu ka jiro musuq heshiis lagu yahay oo madax iyo saraakiil badan isku xiran yihiin.

Hanti dhowrka ayaa la wareegay baaritaanka Kiiskan isagoo sheegay inuu baahan yahay muddo 10 maalmood ah si uu warbixin dhab ah uga keeno xaaladda ka taagan Dekadda Muqdisho.

Gaariga Konteenarka ee ay dib u celiyeen Booliska Hubinta Canshuuraha ee ku sugan albaabka Dekeda

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON