Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in xiisad siyaasadeed ka jirto magaaladaasi oo uu maanta ku wajahan yahay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole.
Maamulka Madaxweyne Gaas ayaa la sheegay inuu amar ku bixiyay inaan la soo dhoweyn karin C/raxmaan Faroole, taasoo ay diideen dadka magaalada oo la sheegay inay isugu soo baxeen soo dhoweynta Faroole oo la sheegay inuu la socdo musharax Cali Xaaji Warsame.
Labadan Musharax ayaa si kulul u weeraray doorkii madaxweyne Gaas ka qaatay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya iyo ololihii uu galay oo ay ku eedeeyeen inuu taageerayay dib u soo noqoshada dowladii hore.
Gaadiid dagaal oo taageersan C/raxmaan Farole ayaa la sheegay in lagu arkay magaalada kadib markii arrintan soo baxday, waxaana xiisad weyn ka jirtaa magaaladaasi, taasoo ka dhalatay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya.
Magaalada ayaa lagu arkay ciidamada hubeysan ee taageersan C/raxmaan Faroole, waxaana dad isugu soo baxay ay u diyaar garoobeen inay soo dhoweeyaan labada musharax oo taagero ku leh magaalada.
Goobjooge.com