Wararka laga helayo degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxda Ahlu suna ay soo food saartay cabsi ku wajahan in magaaladaasi weerar ku soo qaadaan ciidamada maamulka Ahlu suna kadib dagaalkii ka dhacay Caabudwaaq oo maleeshiyadii taabacsaneyd Ahlu suna looga saaray magaaladaasi.
Ahlu suna ayaa dhaqdhaqaaq milateri oo weyn ka sameysay xalay magaalada Dhuusamareeb iyadoo ciidamo fara badan dhaqaajisay isla markaana dhaawacyadii ku jiray isbitaalka Dhuusamareeb oo laga daadgureeyay loona qaaday degaanka Guriceel.
Kulan dhex maray madaxweynaha Ahlu suna iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa looga hadlay xaaladda magaaladaasi iyo taageero ay Ahlu suna weydiisay Itoobiyaanka oo isugu jira saanad ciidan iyo taageero caafimaad.
Xaaladda gobolada dhexe ayaa ku jirta xiisad colaadeed iyadoo maamulada Ahlu suna iyo Galmudug ay ku sii sinqayaan iska hor imaad oo meesha ay ka sii baxeyso in waanwaan iyo wadahadal la hadal hayay.
Ahlu sunna ayaa ciidamo badan dhoobtay aagga Mareergur halka Galmudug iyana ay aagaasi geysay ciidamo xoog leh, waxaana dadka degaankaasi ay bilaabeen inay qaxaan markii cabsi dagaal halkaas ka dhalatay.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]