Waxaa caawa lasoo afjaray xiisadii ka dhalatay maamulka G/Banaadir iyo xil ka qaadistii guddoomiyihii G/Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.
Xubno isugu jira, wasiiro, taliyeyaal iyo guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir ayaa Gurigiisa ku booqday Guddoomiye Taabit Cabdi Maxamed, waxaan kulankaasi lagu soo afjaray xiisadii siyaasadeed ee maalmahan ka taagneyd magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha cusub ee magacaaban iyo guddoomiyihii hore ayaa isla gartay in xil wareejina ay u dhacdo si habsami ah, iyadoo guddoomiye Taabit uu dib ugu laabanayo xarunta Gobolka oo laga qaadayo ciidamada la dhigay si loo qabanqaabiyo xafladda xil wareejinta.
Gabagabadii kulanka ayaa la isku afgartay in la iska iloobo wixii xurguf ahaa ee ka dhalatay xiisadii jirtay maalmihii ugu danbeeyay, iyadoo jawi afgarad iyo wadashaqeyn lagu balamay, waxaana arrintan hoggaaminayey Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.
Xubnaha waxaa ka mida ahaa wasiirka Boostada, wasiir ku xigeenka Dekadaha, xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida.
SAWIRRO