Wednesday, June 25, 2025

Xildhibaan Axmed Fiqi: “Gen. Gabre inuusan soo noqon doonin lama hubo, xertiisiina waa joogtaa..”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay in xilkii arrimaha Soomaalida ee IGAD laga qaaday Geb. Gabre.

Wuxuu sheegay in Jeneraal Gabre muddo toban sano ah siyaasadda Soomaaliya isagoo midabo kala duwan wata ku dhex labnaa, isla markaana  markiii ugu horeysay lagu bartay asagoo Taangiyo xasuuq ba’an geystay wata, kadibna ku shaqeeyay magaca IGAD, laakin aysan marna shaqadiisu isma bedelin tan iyo bilowgii!!!

“Gabre inuusan soo noqon doonin lama hubo, laakin ka soo dhex-muuqashadiisa shirarka & meelaha Soomaaliya arimaheeda lagu haayo ooo dalka Soomaaliya ku aheyd ceeb iyo Waji-gabax ugu yaraan waa laga nasan doonaa..’ ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo dhinaca kale sheegay in dadkii la shaqeyn jiray ay weli joogaan oo weliba xilal hayaan.

“Waxaan meesha ka maqnayn xertii Gabre iyo nacamlayaashii Soomaalida ahaa ee kala shaqeyn jiray xasuuqa Soomaalida iyo u basaasiddiisa arimaha dalka Soomaaliya weli inay joogaan kana dhex-muuqdaan qaarkood siyaasadda iyo meelaha go’aanada dalka lagu gaaro.. Ayax tag eelna reeb..” ayaa farriintiisa FB ku yiri Xildhibaan Fiqi.

GOOBJOOGE

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON