Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka iyo kooxda Qabyo ee dowladii Hore ayaa sheegay inuu xajka sanadkan ay xukuumadda Soomaaliya u xiratay sida wadooyinka magaalada oo kale.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayu uga hadlay sida Xajkan sanadkan loo maamulay iyo muranka ka taagan, isagoo sheegay inuu jahawareer weyn ka dhashay xajkii sanadkan, markii howlihii xajka la dhex geliyay dano shaqsiyadeed sida uu yiri.
HOOS KA AKHRISRO QORAALKA XILDHIBAANKA
Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Muwaadiniin Soomaaliyeed oo isu soo diyaariyay gudashada Acmaasha Xajka ee sanadkan, waxayna ka kala yimaadeen goballada dalka, balse waxaa nasiib darro ah inay Xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre ummaddii gelisay jahawareer ah inay garan waayeen shacabka Soomaaliyeed meel ay u doontaan Visihi Xajka iyo cid ay kala macaamilaan, kaddib markii lagu dhex milay howlaha xajka dano shakhsiyaad/shirkado gaar ah howlihii Xajkana waxaa loo xanibay dano ganacsi iyo kuwa siyaasadeed, lamana siin wax tixgelin ah shacabka duruufaysan ee doonaya in ay soo gutaan acmaasha xajka sanadkan 2018/1439 Hijriyadda.
Haddaba waxaan Madaxda Qaranka ugu baaqayaa inay ka tanaasulaan tixgelinta masaaliixda shakhsiyaadka gaarka ah lana tixgeliyo maslaxadda Xujayda Soomaaliyeed loona fududeeyo oo loo fasaxo shirkadaha ruqsada ka haysta labada dal in ay daabulaan xujayda maadaama waqtigi Visaha la dablbi jiray uu sii idlaanayo mudadii xajkana ay ka harsan tahay 1 bil oo kaliya, halka aan weli wax Visa ah la soo saarin, iyadoo Sanadkaan Soomaaliya loo qoondeeyay tiro ka badan 9 kun oo ruux inay soo xajiso, mana harin muddo lagu soo saaro 9 kun oo Viso, isla markaana lagu daabulo 9 kun oo ruux.
Waxaan mar kale xusuusinayaa in ay madaxdu mas’uuliyad gaar ah iska saarto arrimaha xajka, halka ay ku mashquuleen in ay shaqada ka cayriyaan kolba Wasiirka ama sarkaalka kale ee wax yar ka xishooda in ummadda la dhibo una fikira sidi loogu dhimri lahaa, waxaa kale oo aan mar walba aragnaa warqado isburinaya kana soo baxaya xafiisyada laanta fulinta ee dalk oo aan ahayn kuwa ka turjumaya maslada dalka welibana meel ka dhac ku ah sharafta iyo karaamadada dowladnimo loogna gol leeyahay dano gaar ah.
Waxaan sidoo kale la soconnaa in Wasiirki labaad arrimahan dartood shaqada looga ceyriyay, sidoo kale saarkiil kale shaqada looga fadhiisiyay, waxaana layaab ah in markii u horeysay in Acmaashii Xajka ee sanadlaha ahaa uu qalqal u galo dano shakhsiyadeed iyo mid siyaasadeed oo laga wado Xafiisyada ugu sareeya dalka.
FADLAN WADADA XAJKA FURA!