Thursday, April 18, 2024

Xildhibaan C/qaadir Cosoble: “C/weli Muudey wuxuu doonayaa inuu Baarlamaanka Afduubto, kana dhigo Dugsi Qur’aan..”

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka ayaa ku eedeeyay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey inuu xagudub ku sameeyay xildhibannada iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Wuxuu sheegay inuu Guddoomiye ku xigeenka Muudey uu afduubtay fadhigii Baarlamaanka ee maanta xilli  Xildhibaanada Baarlamaanka ansixiyeen Dib ugu noqoshadii Miisaaniyadda sanadka 2018 ee wasaaradda maaliyadda ay keentay Baarlamaanka.

“Maanta Baarlamaanka waxaa ka dhacay khalad aad u weyn, waxaana sameeyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad C/weli Muudey, wuxuu ku kacay xeer taraar aad u khaldan, wuxuu diiday xaqa ay leeyihiin Xildhibaanada oo uu xeer hoosaadka siinayo in Xildhibaanka ay ra’yigiisa ku dari karo soona jeedin karaan haddii toosan ay timaado” ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali.

Ad

Wuxuu intas ku daray: “Guddoomiye Muudey waa afduubtay, Xildhibaanada inay hadlaan waa diiday Xildhibaanka dalbaday inuu hadlo oo wax saxo waa ka diiday, taasina waa arrin khilaafsan xeer hoosaadka, waa dhaqan aad u liita oo xun oo aan loo baahneyn inuu Baarlamaanka ku sii socdo, anaga uma dooran Guddoomiye C/weli Muudey inuu Baarlamaanka ka dhigo dugsi qur’aan uu isagu leeyahay wixii uu doono marsiiyo” ayuu si kulul u yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble .

Xildhibaan Cosoble ayaa ku hanjabay in falka uu ku kacay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ay kala xisaabtami doonaan, isla markaana ay kala hadli doonaan arrintan Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON