Thursday, July 10, 2025

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo Xisbi Siyaasadeed sameystay, Eedeyn yaab lehna u jeediyey dowladda Farmaajo

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, kana mid ahaa musharixiinta xilka madaxweyne kula loolamay Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa furtay xisbi siyaasadeed uu hoggaamiyo.

Isagoo ka hadlayey xaflad ka dhacay xarunta Guddiga Doorashada ee lagu diiwaangeliyay xisbigiisa ayuu dowladda uu madaxda u yahay Madaxweyne Farmaajo u jeediyay eedeyn yaab leh oo ah inay dooneyaan xil kororsi muddo 2 sano xilli ay u harsan tahay 2 sano, taasoo uu sheegay inaan laga yeeli doonin, suuuragalna ahayn.

“Waxaan maqleynaa in madaxda hadda jirta uu qorshahoodu uu yahay in mudo 2 Sanno ah ay ku darsadaan, iyadoo laba sano u dhiman tahay, laakin annaga kama yeeleyno, kuwii horeba lagama yeelin, haddana laga yeeli maayo..” ayuu yiri Xildhibaan Cabduqaadir  Cosoble oo ka mida xildhibaannada ku kacsan dowladda Soomaaliya.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda inay waqti badan ka lumisay Baarlamaanka, markii ay dagaal la gashay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Prof. Maxamed  Sheekh Cismaan (Jawaari), haddana ay ka caga jiideyso doorasho qof iyo cod ah.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON