Xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka iyo saaxiibada ugu dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn u beeniyey inuu khilaaf ka dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, sida uu muuujinayo dagaalka ka socda baraha bulshada.
Xildhibaanka oo lagu tilmaamo xubnaha geed-fadhiga u ah Madaxweyne Farmajo ayaa bulshada Soomaalida ku eedeeyay been faafin, isagoo Dad uu ugu yeeray mucaarad sheegay inay fidiyeen dacaayad iyo marin habaabin.
“Wax badan oo umad ahaan naga qaldamay, waxaa loo aaneeya saameynta ay bulshadeena ku leedahay faafinta beenta & xoggo aan jirin oo shacabka lagu marin habaabiyo, dacaayadu waxay noqotay awooda kaliya ee mucaaradku adeegsado. Sidaan ogahay hogaanka dalka kalsooni aan ruxmeyn baa ka dhaxeysa…” ayuu yiri Xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo ka qeyb galay ololaha ka socda baraha bulshada.
Xubno u dhow madaxweyne Farmaajo ayaa maalmihii ugu danbeeyay baraha bulshada ka waday dagaal ka dhan ah Ra’iisal Wasaare Kheyre, taasoo keentay in taageerayaasha Kheyre ay jawaab ka bixiyaan.