Xildhibaan Cabdi Shire Cayaar-jecel ayaa weerar ku qaaday xukuumadda Soomaaliya isagoo ku eedeeay xil gudasho la’aan, wuxuuna soo jeediyey in la bedelo xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Xildhibaanka oo tix kooban ku cabiray fekerkiisa ku saabsan qaraxii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir ayaa sheegay in intaan Villa Somalia la gelin ay haboon tahay in la bedelo xukuumadda Somalia oo lagu qaado xil gudasho la’aan, taasoo uu kaliya sameyn karo Baarlamaanka Somalia, waxayna farriintan ku socotay Madaxtooyada.
HOOS KA AKHRISO TIXDA XILDHIBAANKA
“..Haddii gobolkii la galay
Gudoomiyeyaal ay go’een
Yariisow garaabo yahay
Xilkiinii aad gabteen
Hadana guul sheegataan
Gaf iyo waa meel ka dhece
Gadood shacab intuusan iman
Filada aan leydin ku galin
Garoowshiiyo muujiyoo
Golaha xukuumadda bedela
Xil gudasha la’aan darteed
Gaalshire waa in loo diraa
Kuwii amnigeena gabay ..”
W/T: Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaarjecel