Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa difaacay taageeradiisa dib u doorashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa FB ayuu xildhigaan C/raxmaan Xiddig ku weeraray dad uu sheegay inay isbedel been ah wadaan oo ay hore u diideen inuu isbedel dhab ah dhaco markii ay isku baheysteen inay ka hor istaagaan inuu noqdo Guddoomiye Baarlamaan.
FARRIINTA XILDHIBAAN XIDDIG HOOS KA AKHRI
Asc dhamaan Asxaabta iyo taageerayaasha meel kastoo aad joogtaan, waxaan jecleystay comentigiina iyo doodaha aad is weydarsaneysan, waxaan rabaa inaan idin weydiiyo dhowr su,aalood
1. Waa run inaan isbedel ku dhawaaqay oo aan weliba meel lagu dhiiran karo so gaarsiiyay, waxaad dhamaantiin markhaati ka ahayden wixii dhacay.
2. Isbedelka aad rabteen ma wuxuu ahaa mid reero iyo shakhsiyaad gaar ah u adeegaya.
3. sidee lagu gaari karaa isbedelka la rabo, waase heerkee ?.
Anigoo jawaabta idin deynaya bal aan taabto dhowr arimood:
1. Isbedeka waxaa diiday kuwa hada hurdada Ka kacay kadib markay u muuqatay siyaasada old fashionka ah ee ay isticmaalayaan iyagoo Beerlaxawsi Qabiil Dan iyo dabeecad ka dhigtay.
2. Isbedelku ma dhamaanin lakin ninba si u qaaday hadaan nahy xildhibaanada isbedel doonka markii laysugu kaana tagay oo 3 cod nalagaga baxsaday , Isbedelki kamanan qusanin ee Waxaan yeelanay Qorshe 2aad waxaana ku soconaa Qorshihii 2aad ee isbedelka.
3. Isbedel waxaa keeni kara marka dadka wada isbedelka lagu taageero, waxaan aad Ula yaabaa markaan arko qoraalada kuwii shalay isbedelka dhiidanaa oo na xagxaganayay oo hadana maanta isbedel raadinaya read yourself . Ugu danbeyn hadi rabi idmo siyaasada somaliya ma ahaan doonto siyasadii fadhiidka ahayd.
Bulshada somaliyed ee Qabiil iyo Qof naceyb Ka madaxbanaan waxan u sheegayaa inay ku kalsoonaadaan wakiiladooda Golaha shacabka. Xildhibaanada 200 Ka badan ee ku kulmay hotel syl waxay soo bandhigen Qeyb Ka mid ah Qorsheyaasha isdebayaala ee siyaasada Dalka lagu geedigelin karo. Wuxuuna ahaa go,aan sax ah oo aad looga baaraandegay kuna qotoma aragti ka madax banaan reer iyo shakhsi naceyb. Wan hubaa inaad fasiraado kala Duwan u sameyneysaan waase Qof iyo garashadii. Alaa weyn ninkii Aaminaa Awood leh. Xidig
Goobjooge.com