Monday, June 23, 2025

Xildhibaan Dalxa oo kashifay xaalada Xildhibaanada Baarlamaanka ee wada Guuxa Mooshinka

Iyadoo muddooyinkan la hadal hayay mooshin laga wado xukuumadda Soomaaliya ee Xasan Cali Kheyre ayaa faahfaahin dheeraad ah ka soo baxeysaa dhab ahaanta mooshinka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu jiro muran ka dhashay go’aankii dowladda ay ka qaadatay xiisada dalalka Khaliijka ka taagan, wuxuuna caddeeyay inay jiraan Siyaasiyiin kale oo ka faa’ideysanaya murankaasi oo ku dhex jira mooshinka ka dhanka ah Xukuumadda.

Dalxa ayaa sheegay inaysan jirin tiro rasmi ah oo laga hayo xildhibaanada Mooshinka ka wada Xukuumadda, balse uu jiro guux siyaasadeed oo laga dareemayo gudaha Baarlamaanka.

 

Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka ayaa hadda ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo xildhibaanada ku kacsan xukuumadda ayaa tiradoodu yar tahay waxaana arrinta mooshinka ay tahay guux hoose oo aan dibadda u soo bixin.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON