Kursi hore loo laalay ayaa maanta doorashadiisa ka dhacday magaalada Baydhaba iyadoo uu ku soo baxay isla xildhibaankii hore loo diiday doorashadiisa.
Sheekh Shaacir Maxamed Xasan ayaa mar kale kursiga beesha Macalin Weyne ku guuleystay, kadib doorashadii maanta isagoo helay 34 cod.
Saddex ka mida 5tii musharax ee dib loo celiyay ayaa dib loogu doortay isla xildhibaanadii ku soo baxay doorashadii hore oo la diiday.
Waxaa la sugayaa kuraasta laba wasiir oo xukuumadda ka mida kuwaasoo doorashadooda ka dhaceyso Muqdisho iyo Kismaayo.
Goobjooge.com