Sunday, July 13, 2025

Xildhibaan Fiqi: “Dhuusamareeb waxaa isugu haray labada kooxood ee Villa Somalia & Ahlu Suna.”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda degaanada Galmudug ayaa sheegay in madaxweyne Xaaf iyo Galmudug ay isaga tegeen magaalada Dhuusamareeb.

“Xaaf iyo GALMUDUG-ba waa ka wada baxeen, waxaana isugu haray labada kooxood ee Villa Somalia iyo ASWJ..” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo wafdiga Wasiir Sabriye ku tilmaamay Baabuur walxaha Qarxa lagu soo rakibo oo albaabka hore ee goobta la weerarayo lagu furto, kadibna kooxo qamaam oo hubeysan ay goobta soo galaan sida safarka Khayre ee la sheegayo.

Fiqi ayaa ku dooday in Xaaf uu keligiis ahaa Galmudug, isla markaana wadahadalka Dowladda Federaalka iy kooxda Ahlu Suna aysan ka dhigneyn mid GALMUDUG arrimaheeda khuseeya, sida uu yiri.

Siyaasiyiinta iyo xildhibaannada kasoo jeeda Beelaha H/Gidir ayaa intooda badan taageeray Madaxweyne Xaaf oo hore khilaaf uga soo tegay magaalada Cadaado, lana midoobay kooxda Ahlu suna, haddana ay muuqato inuu ka tegay Ahlu suna oo keligii ku sii jeedo Gaalkacyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON