Friday, June 27, 2025

Xildhibaan Fiqi: “Faragelinta Galmudug ka socota waxay kashifi doontaa damaca waalan ee kooxda Villa Somalia..”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka ee kasoo jeeda Galmudug iyo xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh ayaa si weyn u dhaliilay madaxda dowladda Somalia, isagoo bogaadiyey wasiir ku xigeenkii xilka iska casilay ee C/kariin Dhalac.

Xidhibaan Fiqi ayaa sheegay inuu bogaadinayo go’aanka geesinnimada leh ee uu qaatay Wasiir iyo Xildhibaan Abdikarim Khalif Dhalac oo iska casilay xilkii Wasiir ku-xigeenka xukuumadda Federaalka, kaasoo uu ku tilmaamay go’aan taariikhda galay oo maangal ah.

“Madaxda Villa Somali lama shaqayn karo qof raba in karaamadiisa iyo mas’uuliyadda saaran Iin uu si wanaagsan u guto, waxaan rajaynayaa In tallaabada Mudane Abdikarim ay bilow u noqon doonto iscasilaado kale. Faragalinta Galmudug ka socota iyo la kaliyoobidda geedisocodka doorashooyinka Galmudug, waxay kashifi doontaa damaca waalan ee kooxda Villa Somalia ee dastuurka dalka iyo shuruucda Galmudugba hareer-marsan..” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo ay is xigaan wasiir ku xigeenka is casilay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON