Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa si weyn u cambaareeyay falkii ay ciidamada amniga ku hor istaageen xaflad lagu soo xiri lahaa tababar hotel ku yaalla Muqdisho uga socday dhalinyaro ka tirsan xisbigaasi.
“Waxaan cambaaraynayaa falka aan habdhaqanka dimuqraadiyadda iyo shuruucda xisbiyada ka midka ahayn ee maantay lagula kacay Xisbiga Wadajir oo ciidamo xafiisyada madaxda sare ee dalka laga soo diray ay is-hortaag ku sameeyeen Hawl ay ku qabsan lahaayeen Hotel Makka Almukarrama…” ayuu yiri xildhibaan Fiqi oo wax lala yaabo ku tilmaamay in sababta keeni karta in ciidamo intaas le’eg la soo kiciyo, oo hotel nabad ah lagu dul wareejiyo,.
Wuxuu is weydiiyey: “Ma howshii ciidamada dalka lagu aqoon jirey ayaa issbedshay mise sharciyadii ciidamada booliiska lagu yaqiinay ayaa la bedelay? Hotel Makka ma Alshabaab ayaa soo weeraray, ma dad ayaa isku dhex dagaalay, mise dab ayaa qabsaday oo keenay in loo soo gurmado? ciidamadu waa in aysan siyaasadaha dalka ka jira aysanku milmin, mar walbana waa in ay u dhexeeyeen siyaasiyiinta…?”
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa eedeyn u jeediyey madaxda dowladda Soomaaliya, wuxuuna yiri: “Madaxda Villa Soomaaliya ayagoon laba sano gaarin ayey kaararkoodii oo dhan xoqdeen, laakin kaarka kalitalisnimada, caburinta iyo cagajuglaynta adduunka oo dhan waa laga soo xoqday wax nacfi ah oo ku harayna ma jiro, haddii caydii baraha bulshada ay socon wayday, barakacayaashii la soo kicinayey la isku fahmay, waxaa u haboon in ay la yimaadaan farsamo kale oo aan ahayn Ciidamada dalka in loo adeegsado dadkooda!..”