Monday, June 23, 2025

Xildhiban Fiqi: “Qaaqle shidaal lagu soo shubo,waxaa gadaashiisa ku jira hogaamiye fashilmay.”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa si kulul u weerarray hab-dhaqanka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo hadalladii ugu danbeeyay ee dhowaan kasoo yeeray.

Qoraal uu soo diray ayuu si weyn ugu cambaareeyay siyaasiyiinta iyo culimada taageera madaxweynaha ee saxaafadda ka difaaca, isagoo yiri: “Marka ay xaaladu gaarto in fatwada culimadu ay kiro noqoto, siyaasi horey u fashilmayna uu u istaago difaacidda mid kale oo wadadiisii haaya, qaaqle shidaal lagu soo shubo, ogaada daaha gadaashiis waxaa ku jira hogaamiye fashilmay oo aan dayactir lahayn!”.

Xildhibaan Fiqi oo ka mid ahaa dadkii ololaha doorashada u waday madaxweyne Farmaajo, balse ay isku dhaceen markii danbe ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku sifoobay hoggaan xumi keentay inuu dadkii taageeray ku tilmaamo qabiil iyo Shabaab, ugu hanjabo inuu gacan bir ah ku qabanayo.

“Markii madaxweynihii dadkii uu taageeradooda taladaa ku yimid oo ka cabanaya dhibaatoooyinka ka soo gaarey hogaan-xumidiisa uu ku tilmaamay “qabiil iyo shabaab” uuna ugu hanjabay inuu ku qaban doono gacan-bir ah, meeshii laga sugayey in uu keeno xalka dhibkii dadku ka cabanayeen, fariimahaas hanjabaadaha ah waxay ku haboonaayeen in uu u diro kuwa “shacabkaas dhibaatada ay ka cabanyeen u geysanaya iyo argagixisada qaraxyada gaysanaysa, si maro loogu geliyo hadaladaas deelqaafka ah waxaa warbaahinta lagu soo yaacshay maalmihii na gudbay “wadaado fatwada laga ijaartay, iyo qaaqlayaal dalkaan laga yaqaano, waxaana heeso xawilaad ah soo qaaday fanaaniin beeleedyo”.

Xildhibaan Fiqi
Ad

Wuxuu xusuusiyey Madaxweyne Farmaajo in u wakiilashada ay magaciisa ay ku hadlaayan kuwa bulshadu ay nacday hadalkooda, aysan kaa rideynin mas’uuliyadda dastuuriga ah ee saaran ee laga rabo in uu dalkan ku hogaamiyo mudada kooban ee u dhiman si ka turjumaysa baahida dadka iyo marxaladda xasaasiga ah ee uu dalku marayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON