Thursday, June 26, 2025

Xildhibaan Fowsiya Yusuf oo mar kale u taagan Kursi Golaha Shacabka iyo Mas’uul Sare oo ku taageeraya

Guddiga maamulka Doorashada gobollada waqooyi Somaliland ayaa diiwaan galiyay musharaxii ugu horeeyay ee 16 kursi oo doorashadooda si xiriir ah loogu qabanayo magaalada Muqdisho, kana soo jeeda Gobollada Waqooyi.

Xildhibaan Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo u sharxan kursiga Sumadiisu tahay HOP#262, ayaa la guddoonsiiyay shahaadda musharaxnimo, mkadib markii ay soo buuxisay shuruudaha tartamaha, iyadoo mar kale dooneysa inay kusoo laabto kursigii ay hore ugu fadhiday.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Fowsiya ay taageero ka heshay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo madaxda siyaasadda ee Beelaha Somaliland ka codsaday inay soo saareen Fowsiyo Yuusuf oo ay dhinac qaraabo ka yihiin.

Kursiga HOP#262 ayaa la filaya inay mar kale kusoo baxdo Fowsiyo, iyadoo aanay jirin musharax kale oo halis gelin kara, ayna tageero ka heysato dhinacyada Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha.

Fowsiya ayaa hore u soo noqotay Ra’iisal wasaare ku xigeen iyoi wasiirka arrimaha dibadda dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud, waxayna ka mid ahayd xildhibaannadii ololaha u galay doorasho qof iyo cod ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON