Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mida Xildhibaanada Baaralmaanka Federaalka ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) uu ka mid ahaa asaasayasha ururka Alshabaab oo kaliya ay isku qabteen maamulka magaalada Kismaayo, kadibna ay Kenya gacan ku siisay.
Xildhibaan Jeesow ayaa ku eedeeyay Axmed Madoobe iyo kooxda yar ee uu maamulo inay tacadi ku hayaan dadka Jubbaland, iyadoo dhibaato gartay addoonsi ku haya dadka Magaaldaa Kismaayo, sida uu yiri, wuxuuna Ra’iisal wasaaraha ugu baaqay in dadka degaanka uu dareenkooda dhageysto.
“Dadka Reer Kismaayo adoonsi ayay ku jiraan, dadkii loo baahnaa Ra’iisul Wasaaraha lama kulmin dad gaar ah ayaa loo soo xulay, marka ra’iisul wasaaraha dhibka meesha ka jira wa uu ogyahay”
Daahir Amiin Jeesow