Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si weyn u dhaliilay safarka uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ku tegi lahaa magaalada Kismaayo si uu uga qeyb galo caleemo-saarka Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).
Xildhibaanka ayaa sheegay in wixii ka dhacay magaalada Kismaayo aysan ahayn Doorasho ee Axmed Madoobe uu halkaasi ku heysto xoog, kuna dilay dad badan oo uu ka mid yahay nabadoon C/rashiid Dhurre, isla markaana ay wax laga xumaado iyo khalad tahay inuu Sheekh Shariif Kismaayo u tago marqaati been ah “shahaado Zuur”.
Xildhibaan Jeesow ayaa Axmed Madoobe ku eedeeyay inuu hore uga tirsanaa Alshabaab, kadibna isu bedelay Raaskaambooni, Sheekh Shariif oo xilligii madaxweynaha uu ahaana ka dhigay xildhibaan, kana soo daayey xabsigii Itoobiya haddana ka raacay Alshabaab.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ka mida xildhibaanada ugu waaweyn ee ku kacsan maamulka Axmed Madoobe.