Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa shaaciyey in ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugidda ay Gurigiisa ka hor istaageen oo ilaa iminka aanu tegi karin.
Xildhibaan Daahir Maxamuud Muuse oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa caddeeyay in shalay galab markii uu damcay inuu tago Gurigiisa oo ku yaalla agagaarka Godka Jilacow ay ka hor istaageen ciidamada NISA, isagoo ka mid ahaa xildhibaanadii ka hor yimid fadhigii Sabtida ee buuqa ku dhammaaday.
Xildhibaan Daahir Maxamuud ayaa ku dooday in lagu xadgudbay xasaanadiisa iyo Dastuurka oo u fasaxaya inuu fekerkiisa ka hadlo, isagoo baaq u diray Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Farmaajo, kulana taliyey inuusan dalka burbur u horseedin oo Doorashada madax banneeyo.
Tuhunka la qabo ayuu sheegay inuu yahay inuu Farmaajo ka shaqeynayo Doorasho uu boobo oo isaga kaliya tartamayo, balse loo baahan yahay inuu ka waantoobo inay eed ka raacdo Doorashada, kana shaqeeyo mid la isla ogol yahay.
