Guddoomiye cusub ayaa loo magacaabay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, kadib wareegto kasoo baxday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha cusub ee degmada Waaberi ayaa loo magacaabay Mahad Cilmi Cali oo ka tirsanaa xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug, isagoo kasoo jeedo degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, iyadoo xilkii laga qaaday Guddoomiyihii hore ee degmadaasi.
Guddoomiyihii degmada Waaberi oo ka mid ahayd haween dhowr ah oo maamulkii Taabit Cabdi Axmed magacaabay Rowdo Cabdullaahi Colaad ayaa xilkii weysay isku shaandheyn ka timid muran ka dhashay magacaabiddii dhowaan ee guddoomiyaha degmada Hodon.
Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku socda isbedel gaabis ah, iyadoo laba ka mida guddoomiyeyaashii hore ay hadda xilalkoodii waayeen.