Wednesday, July 16, 2025

Xildhibaan kashifay sida Xildhibaannada Garbahaarey ku galeen Xarunta Villa Hargeysa

Xildhibaannada la sheegay in lagu doo doortay magaalda Garbahaarey ayaa maanta qalalaase iyo buuq ka abuuray fadhigii koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, kadib doorashadii Guddoonka cusub.

Xildhibaannadan ayaa saxaafadda u sheegay inay yihiin xildhibaanno sax ah, isla markaana ay wataan Karar Aqoonsi, waxayna gudaha xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa kula hadleen saxaafadda, balse kulanka o oahaa mid xil wareejin ah ayaa si degan kusoo dhammaaday.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo kashifay sida ay xildhibaannda Garbahaarey kusoo galeen Xarunta Villa Haregysa, isagoo sheegay in Madaxtooyada ay baaabuur kusoo qaaday oo ay kusoo daadisay dhinaca danbe ee Villa Uganda, ayna jiireen ciidamadii Booliska, iyagoo wata Kaarar laga soo samneeyay Cabdalla Shideeya, sida uu yiri.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaannada Garabahaarey ka yimid ay gelista xarumaha Baarlamaanka iyo Afisyoone ay u fududeeyaan Nabadsugidda oo uu weli maamulayo C/llaahi Kulane iyo saraakiisha Madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaannda lagu soo doortay Ceelwaaq ayaa heysta shahaadooyinka Guddiyada SEIT ee Jubbaland, FEIT iyo Kararka Aqoonsiga Baarlamaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON