Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed ooa ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu dacwad la tiigsanayo Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya oo ku eedeeyya in uu la Shaqeeyo Al-Shabaab.
Xildhibaankan oo ka tirsan Xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in eedeynta uga timid Wasiir Goodax ay ahayd yahay dhaqan xumo weyn, taasoo la wada maqlay oo aanay marqaati u baahneyn, wuxuuna intaas ku daray inuu dacwad u gudbinayo Guddiga Anshaxa Baarlamaanka Soomaaliya, ayna qabsadeen qareeno u dooda.
“Waxaan la tiigsaneynaa, kulana xisaabtami karnaa sharciga, ilaa xasaanada laga qaado, kadibna aan maxkamad la tiigsado. Aniga si gaara ayuu Goodax ii tilmaamay ” ayuu yiri Xildhibaanka lagu eedeeyay Shabaabnimada.
Shalay ayay ahayd markii Wasiir Goodax uu saxaafadda u sheegay in xildhibaannada buuqa sameeyay ay ahaayeen kuwo Alshabaab la shaqeeya, isagoo tilmaamay xildhibaan Yuusuf Xuseen oo markaas agtiisa marayey.