Sunday, July 13, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad: “Ceeb, Yaxyax ayay ahayd in xukuumadu jidadka ka xirto Xildhibaanada..”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabo uu sheegay inay xukuumadda ku hor istaagtay kulankii xildhibaanada Baarlamaanka.

“Ceeb, Yaxyax iyo wax laga xumaado ayay ahayd tilaabooyinkii Xukuumadu qaaday maanta ee jidadka looga xiray Xildhibaanada si aysan usoo gaarin xarunta Golaha Shacabka…” ayuu yiri Mahad Salaad oo ka mida xildhibaanada sida weyn ugu kacsan xukuumadda.

Wuxuu ku eedeeyay xukuumadda Kheyre inay wasiiro ku soo daabushay xarunta Baarlamaanka, si loo baajiyo kulankii looga hadli lahaa arrinta Qalbi-dhagax.

“Waxaa nasiib daro ah in Golaha Wasiirada lagu soo daabulo xarunta Golaha Shacabka si Xildhibaanada looga baajiyo guntamka kooramka Golaha Shacabka oo maanta u balansanaa inay go’aan kasoo saaraan dhiibistii Xukuumada ee Abdikariim Qalbi Dhagax…” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo dowladii uu ka midka ahaa ee Xasan Sheekh ay sidan oo kale sameyn jirtay.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON