Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa madaxweynaha Soomaaaiya ku eedeeyay inuu doonayo inuu dalka ku qabsado ciidamada Itoobiya iyo Eritrea.
Qoraal uu soo diray ayuu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay sax tahay eedaynta Barlamaanku usoo jeediyay, isagoo raba inuu Itoobiya iyo Eritareeya xoog ugu qabtaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay taasi daliil u tahay arrimaha soo socda:
2. In ciidamada Itoobiya ay maanta u afduubeen Mukhtaar Roobow. Si looga reebo doorashada Koonfur Galbeed. Meeshana uu uga soo baxo Madaxweynaha uu isagu rabo.
3. In Madaxweynaha Eritareeyana uu maanta Mogadishu marti ugu yahay si uu ugu keeno ciidamo xoog ugu qabta Mogadishu uguna baacsado siyaasiinta ka fikirka duwan.
“Duqiyow waa kaa khaldan tahay ee taariikhda gadaal ugu laabo. Dalka iyo dadkana bohol haku ridin…” ayuu yiri Mahad Salad